Somalia oo shaacisay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab

Read Time:42 Second

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab,kaas oo laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ka tirsan labada Gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose oo ay ka muulaan Al-Shabaab.

Howlgalkaas waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), waxaana uu sheegay in dagaalkaan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in howlgalkaan kaliya ay fulin doonaan Ciidamada dowladda Soomaaliya kaliya,si ay Shabaab uga saaraan labadaasi Gobol,isla markaana ay hoggaamin doonaan Wasiirada, Amniga, Gaashaandhigga iyo Cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano oo ay jirtay waxaa ay tira ka dhowr jeer ku dhawaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee hadalkaasi uusan weli dhaqan gelin.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %