Somalia oo sabab yaab leh awgeed looga reebay tartanka K/Cagta bariga & bartamaha Africa

Read Time:51 Second

Xiriirka Kubadda Cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa Soomaaliya ka saaray dalalka ka qeyb-galaya koobka Qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee sanadkan ka dhacaya dalka Kenya. Tartankan oo socon doona 3-da ilaa 17ka Disembar ee sanadkan.

CECAFA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad dagaal, sidaas darteedna looga saaray tartanka sanadkan, iyadoo la ogyahay dagaalo ka ka xoog badan kuwii hore ineysan ka jirin dalka.

Dalalka Liibiya iyo Zimbabwe oo aan ka mid ahayn xiriirka CECAFA, ayaa lagu casuumay tartankan, waxaana labada dal hadda aaney wax badan ka fiicneyn Soomaaliya dhanka xasilloonida siyaasadda iyo dagaalada.

Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya oo waxa kaliya ee uu ku faani jiray ay aheyd inay ka qeyb-galaan tartamada caalamiga ah, guulaba yeysan ka soo hoynine ayaa hadda u muuqda inuu gabay kaalintii ka qeyb-galka ku koobneyd.

Masuuliyiinta xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin warkan dhiilada leh, waxayna arintan ku soo aadeysaa xili bahda Isboortiga ay xiriirka ku eedeyaan inuu ku fashilmay horumarinta Isboortiga dalka.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %