Mareeg Media
Somalia

Somalia oo ka hortageysa waxyaabaha dhacay (AKHRISO)

199

Kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, kaas oo lagu dhisayo Hay’ad ka hortagta waxyaabaha dhaca ee dalka la keeno.

Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in sharcigas uu joojin doono waxyaabaha dhaca ee dalka la keeno,isla markaana dhawaan la horgeyn doono golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in U jeedada Hay’adaas loo dhisaayo ay tahay xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!