Somalia oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha Amaanka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dacwo ah oo looga soo horjeedo Dowladda Imaaraadka Carabta waxey u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Qaraalkan cabashada ah uu gudbiyay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cismaan, ayaa waxuu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku xadgudubtay Sharuucda Caalamka, kadib markii ay bilaawday in ay saldhig militari ka furato Magaalada Berbera.
Comments are closed.