Somalia, Kenya iyo UNHCR oo guddi u saaray dib u celinta qaxootiga Dhadhaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somalia, Kenya iyo UNHCR oo guddi u saaray dib u celinta qaxootiga Dhadhaab

Nairobi: Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga ayaa sameeyey guddi ka shaqeyn doono dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dhadhaab.

Guddiga oo ka kooban afar xubnood, ayaa kala matalayo saddex dhinac, wuxuuna dardargelin doonaa hannaanka iyo fududeynta dib u celinta kumannaanka qaxootiga ee ku jira xerada qaxooti ee ugu weyn adduunka.

Sameynta guddiga, ayaa ka dambeysay kulan ay labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya, Kenya iyo wakiillo ka socda UNHCR Nairobi ku yeesheen Talaadadii.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Aamino Maxamed ayaa sheegtay in guddigan uu labada dowladood iyo UNHCR kala shaqeyn doono in ay is-weydaarsadaan aragtida iyo wada-xaajoodyada ku wajahan sida ugu macquul ee dhakhsaha, ee loo celin karo qaxootiga.

Aamino ayaa sheegtay in aanay jirin, waqti loo qabtay in qaxootiga Soomaaliya ay ku noqdaan, hase yeeshee ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay in la sameeyo ka hor dib u celinta.

Heshiiska, si iskood ah qaxootiga loogu celinayo dalkooda ayaa la saxiixay 2013, wuxuuna dhacayaa bisha September ee sannadka dambe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!