Somalia iyo Uganda oo wada hadalay xoojinta xiriirka

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha safaaradda Uganda ee Soomaaliya, Jen. Nathan Mugisha oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo is-kaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falan-qeeyay horumarinta xiriirka sayaasadeed iyo ammaan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo la ogsoon-yahay in dowladda Uganda ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya.

Dr. C/salaam Cumar ayaa bogaadiyay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Uganda, isagoo xusay in Soomaaliya ay kasoo kabanayso xilliyo adag oo ay soo martay, ayna hiigsaneyso nabad iyo horumar dhaqaale.

Ugu dambeyn, kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku dhamaaday jawi is-faham leh.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %