
Magaalada Muqdisho waxaa kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka hadlay arrimo muhiim ah.
Labada dhinac ayaa waxaa ay kulankooda uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Arrimaha, Abaaraha, fatahaadaha oo soo noqday ee Wabiyada iyo qodobo kale, iyada oo Turkiga uu balan qaad u sameeyey Soomaaliya.
Fowsiya Maxamed Sheekh Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dowladda Turkiga waxaa ay ka dalbatay in Wasaaradda laga gacan siiyo sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha Wabiyada ee soo laab laabtay,kuwaas oo dhibaato xoogana u geysta Bulshada.
Danjire Mehmet Yilmaz Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in Wasaaradda uu kala Shaqeyn doono waxyaabaha ay uga baahan yihiin in laga caawiyo sidoo kalena ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Turkiga ayaa Soomaaliya horay uga caawiyey Arrimo badan,sida gurmadkii abaartii Soomaaliya ka dhacday Sanadkii 2011-kii, qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Gurmad ku saabsan fatahaado ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Baladweyne.