Somalia iyo Kenya oo ku heshiiyay in Khaadka la keeno Magaalada Muqdisho
Muqdisho — Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay ku heshiiyay in la qaado xayiraadihii KMG-ka ahaa ee la saaray Diyaaradahii Khaadka u iib keeni jiray soomaaliya
Wasiirka Arimaha Ddibada Kenya, Amina Mohamed oo Warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in maalinta barito Khaadka la keeno doono Magaalada Muqdisho.
Hadalka Marwo Amina Mohamed ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Shir gaar ah ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Sikastaba ha ahaatee Khaadka laga soo daabuli jiray Dalka Kenya ayaa imaan Magaalada Muqdisho muddo 8 maalmood ah kadib markii Xukuumada Soomaaliya ay ku dhawaaqday in si KMG ah loo xanibay Diyaaradahii soo qaadi jiray.
Comments are closed.