Somalia iyo Kenya oo ka shiray xawaaladaha la xiray

Read Time:33 Second

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay dhigiisa dalkaas, Aamina Maxamed.

Wasiir Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Kenya Aamina Maxamed, sidii xawaaladaha Soomaalida dib loogu furi lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay ayaa usoo keediyey dowladda Kenya inaan lagu xadgudbin xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Wasiirka ayaa dowladda Kenya ugu tacsiyeeyay dadkii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Jaamacadda Garisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kenya ayaa dhowr maalmood ka hor ku dhawaaqday iney xirtay xawaalado badan oo Soomaalidu ku leeyihiin Kenya, iyadoo ku eedeysay iney lacago gaarsiiyeen Alshabaab.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.