Somalia Iyo Burundi Oo Kala Saxiixday Heshiis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somalia Iyo Burundi Oo Kala Saxiixday Heshiis

Muqdisho – Mareeg.com: War murtiyeed si wadajir ah ay u soo saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo dhiggiisa dalka Burundi Laurent Kavakureayaa lagu faah-faahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kadib booqasho seddex cisho ah qaadatay oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu ku sii sagootiyay gelinkii hore ee shalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Buri’ Mohamed Hamza.

War murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi, Ambassador Abshir Hassan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, nabad gelyada iyo maalgeshiga.

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Burundi ay dhowaan ka furan doonto Caasimadda Muqdisho safaarad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Laurent Kavakure ayaa ku cazuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualeh Beileh inuu booqasho rasmiya ah ku yimaado Magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM), iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin muuqata ku leeyihiin xasilinta ammaanka dalka, taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin dhiiga walaalnimo ee Burundi ay u daadisay howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!