Somalia: Duqeyn lagu dilay hogaamiye ku xigeenka Daacish
Muqdisho (Mareeg News)— Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn lagu beegsaday hogaamiye ku xigeenka Kooxda Daacish oo maanta ka dhacday tuulada Xiriiro ee 3 KM u jirta degmada Isku Shuban ee gobolka Bari.
Weerarkan oo loo maleynaayo in ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka ayaa lagu beegsaday Gaari uu la socday Hogaamiye ku xigeenka Kooxda Daacish Cabdixakiin Dhuqubed.
Geerida Cabdixakiin Dhuqubed ayaa waxaa xaqiijiyay Wasaaradda Amniga ee Maamulka Puntland.
Majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Kooxda Daacish oo ku aadan geerida ku xigeenka hogaamiyahooda.
Sikastaba, Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeysay oo sanadkaan laga fuliyo degaanada Puntland.
Comments are closed.