Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM4

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska KM4 oo ka mid ah isgoysyada muhiimka ah ee gawaarida aad u isticmaalaan, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qasaare aan wali la cayimin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu la socday C/kaafi Hilowle Cismaan oo ahaa xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir, iyadoo warar is khilaafsan uu ka soo baxayo xaaladiisa.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa hakiyay isu socodka wadada Maka Al-Mukarama, sidoo kale waxaa goobta ku qul qulaya gawaarida ambalaaska, si ay u qaadaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!