Mareeg.com: Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in nin Somali ah iyo labo Sudan ah ku dhinteen doon ku qallibantahay xeebaha dalka Masar, oo dadka la socday doonayeen iney ugu tahriibaan dhanka qaaradda Yurub.
Soomaaliga dhintay ayaa la sheegay inuu weriye lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Al-caddaala kaasoo horay uga soo shaqeeyey xarumo warbaahin oo kala duwan. Geeriyooda dadkaan ayaa dhacday kaddib markii doonidii ay la socdeen ay qallibmatay.
Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xukuumadda dalka Masar ka codsatay in lagu soo wareejiyo meydka weriyaha geeriyooday si jaaliyada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool ay ku aas ugu sameeyaan.
Dhinaca kale laammaha ammaanka ee dalka Masar ayaa xabsiga ku taxaabay 120 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in ay damacsanaayeen in ay ka tahriibaan dalka Masar.