Somali Airlines Oo Howlgelineysa Labo Diyaaradood & Heshiika Afar Kale Oo La Saxiixay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Somali Airlines Oo Howlgelineysa Labo Diyaaradood & Heshiika Afar Kale Oo La Saxiixay

Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Ciilmooge ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay dalka ka howlgeli doonto shirkaddii diyaaradaha Somali Airlines oo aan shaqeynin intii dalku uu ku jiray dagalladii qaatay in kabadan 20 sano.

Wasiirka ayaa hadalkaan ku dhawaaqay kadib markii uu shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo dalka Switzerland uga soo qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha Boostada Aduunka oo ay ka qeybgaleen 192 dowladood.

Wasiir Ciimooge ayaa sheegay in dhawaan shaqada Somali Airline lagu sii bilaabi doono labo diyaaradood oo kala ah nuucyada: SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438).

Wuxuu sidoo kale wasiirku sheegay in dalka Imaaraadka Carabta ay heshiis kula soo saxiixdeen shirkad muddo 8 bilood ah Somali Airlines ugu sameyneysa ilaa 4 diyaaradood oo gadaal kaga soo biiri doona shaqada.

“Mudaba dadaalka badan ayaan ku bixineynay sida aad la socotaan dib u howlgelinta Shirkadda Somali Airline, waxaan rabaa inaan shacabka ugu bishaareeyo in arintaasi ay guul kusoo dhamaatay Alle mahadiia, waxaan Dubai kula kulannay Shirkad mudo 8-bilood ah inoogu dhameyneysa sameynta diyaarado ay Soomaaliya leedahay oo gaaraya Afar Diyaaradood” ayuu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in heshiiskaas uu dhawaan bilaabn doono, islamarkaana la tababaray howlwadeeno ka tirsan Somali Airlines “Heshiiskaas waan soo kala saxiixanay howsheedana wey bilaabaneysaa dhowaan, sidoo kalena tababarro ayaa jira oo la xiriira howlwadeennada Somali Airline” ayuu yiri wasiir Ciilmooge.

Wuxuu sheegay wasiirku in dib u howlgelidda shirkadda diyaaradaha Somali Airlines uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin shirkadaha diyaaradaha ee sida gaarka ah loo leeyahay, balse ay iska barbar shaqeysan doonaan.

Tan iyo sanadkii 1991-kii oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaaney jirin shirkaddii diyaaradaha Soomaaliya ee Somali Airlines iyadoo booskeeda ay galeen shirkado gaar loo leeyahay oo aan tayo badneyn.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!