Somali 18 ku xiran Taliyaaniga oo loo doodayo (Muxuu xabsiga ugu jiraa?)

Mareeg.com: Waxaa Taallada Daljirka Dahsoon ee gobolka Banaadir lagu qabtay Isu-soo-bax lagu muujinayey sida looga xunyahay nin Soomaali ah oo muqddo gaareysa 18 sano ku xiran dalka Taliyaaniga.

Isu soo baxaan ay isugu yimaadeen waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya, Madax Dhaqameedyo, Haween, dhaliyaro iyo Marti sharaf kale oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu muujiyey sida looga xunyahay Xariga dhibane Xaashi Omar Xassan oo Muddo 18 Sano ah Ku xiran Dalka Talyaaniga Ka dib Markii lagu eedeeyay Inuu ka dambeeyay dilka saxafiyiin u dhalatay Talyaaniga oo Mudisho lagu dilay.

Dadkii isugu yimid halkaasi ayaa wajidooda waxaa ka muuqatay dareen murago muujinaya iyagoo sheegayay in Xaashi  ku xiranyahay sifo aan sharci ahayn waxaana ay si wada jir ah u dalbadeeen in la sii daayo Xaashi.

Muuse Xabadd Tafad oo ka mid ah dadka dida dhaw  ula socday Xariga dhibanahaasi ayaa ka sheekeeyay xaalka uu ku suganyahay Xaashi Cumar, waxaana uu sheegay Muuse in Xaalka Xaashi uusan niyad wanaagsanen maadaama uu yahay nin 18 sano ka badan xabsi ku jira, waxaana uu ku baaqay in loo wada istaago sidii loo sii dayn lahaa.

Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa waxaa auu ka codsaday Dowladda Federaalka iyo ummadda Soomaaliyeed In ay Gacan ka Geestaan Sidii uu Xoriyadiisa u Heli lahaa Dhibane Xaashi oo 18 Sano sida Sharci darada ah ugu xiran Dowladda Talyaaniga, waxaana si gaar ah uu ugu sheekeeyay sida loogu xiray Talyaaniga maadaama markii la xirayay uu la socday Xaashi.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa ka hadlay isu imaatinkaasi Xildhibaan Xasan Macalin oo isagu ugu baaqay dowladda Talyaaniga in ay deg deg xorriyadiisa u siiso  Mawaadinkaas Soomaaliyeed Xaashi Cumar Xasan.

Xaashi waxaa dalka Taliyaaniga lagu geeyey qaab khiyaano ah, isagoo laga qaaday Muqdisho. Wuxuu u tegay Taliyaaniga inuu ka marag furo tacadiyadii ay geysteen ciidamadii ajnabiga ahaa ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashameeyadii.

Taliyaaniga ayaa Xaashi ku eedeeyey inuu weday gaarigii wateen dableydii dishay labo wariye oo Taliyaani ah oo lagu dilay Muqdisho 20-kii Maarso ee sanadkii 1994.

Labada Taliyaaniga ah oo kala ahaa saxafi iyo sawri-qaade ayaa lagu kala magacaabi jiray Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin, waxeyna baaritaan ku hayeen haraaga sunta warshadaha ee Soomaaliya lagu shubi jiray.

Mareeg Media