
Hargeysa, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta ciidamada booliska Somaliland ka horjoogsadeen siyaasiyiin mucaarid ah iney gudaha u galaan garoonka diyaarahda magaladaas si ay usoo dhaweeyaan gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo safar debadda ah kazoo laabanayey.
Booliska ayaa la sheegay iney siyaasiyiinta ku wargeliyeen iney heystaan amar kazoo baxay wasaaradda duulista iyo gaadiidka cirka ee Somaliland, sidaasna ay siyaasiyiintaas ugu diideen iney garoonka galaan oo halkaas kusoo dhaweeyaan Feysal Cali Waraabe.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa garoonka ka soo degay iyadoo aaney gudaha ugu jirin qof ka mid xubnaha xisbigiisa ama taageerayaashiisa, waxaana isaga laftiisa laga hor joogsaday in uu ku nasto qaybta VIP-da loo yaqaano.
Feysay Cali Waraabe ayaa garoonka ka baxay isagoo shandadiisii jiidanaya, arrintaas oo aan horay looga baran madaxda deegaanada Soomaalida ama caalamka intiisa kale.
Xubnaha loo diiday iney garoonkia galaan ayaa waxaa ku jiray xubno ka socda xisbiga kale ee mucaaridka ah ee WADANI.
Murashaxa madaxtinimo ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen oo markii uu gudoomiyuhu dibedda u soo baxay warbaahinta oo iyaduna ay dibed joog ka ahayd la hadlay ayaa sheegay in markii uu KULMIYE mucaaridka ahaa uu sheegi jiray inaan loo ogoleyn iney si madax banaan garoonka ugu soo dhaweeyaan mas’uuliyiintooda, arrintaasna ay maanta iyagu ku kaceen.
Maamulka talada haya ee Somaliland iyo axsaabta mucaaridka ayaa beryahan dambe isku hayey arrin la xiriirta shir qaran oo looga hadlayo aayaha Somalilan, kaasoo xukuumadda jirat diidantahay.
Mareeg.com