Siyaasiyiin Ku Jiray Xukuumadii Gaas Oo Xal U Raadinaya Khilaafka Madaxda Dowladda

Read Time:1 Minute, 33 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Xubno ka tirsanaa jiray xukuumaddi KMG aheyd ee uu R/wasaaraha ka ahaa R/wasaarihii Hore C/weli Gaas ayaa xaly shirk u yeeshay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka xaajooday khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Siyaasiyiinta xalay shiray ayaa ku mideysan Naadi loogu magic daray Badbaado , waxaana gudmooiye u ah wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn”.

Naadigaan ayaa waxaa xubno ka ah wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, wasiirkii hore ee haweenka iyo arrimaha Qoyska Maryan Aweys, Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/llaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaa ka ahaa xukuumaddii hore ee R/wasaare Gaas.

Kulankan ay yeesheeheen Naadiga badbaado ayaa la iskula soo qaaday oo laga dooday marxalada haatan dalku uu marayo, iyo khilfaaka xooga leh ee soo kala dhex galay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Naadiga Badbaado ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay xalay ku yeesheen Muqdisho soo saareen 3 qodob oo kala ahaa:

1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.

2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha.

“Waxa aad uga xunahay khilaafka xiligan taagan iyadoo dowladu jirtay mudo sanad ah dibna loogu laabto is qab-qabsigii jiray waqtiyadii kumeel gaarka” ayuu yiri Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” oo ahaa gudoonka shirka.

Naadiga Badbaado ayaa waxaa ku mideysan in badan oo ka mid ah xubnaha xukuumaddii Badbaado Qaran ee uu hogaamin jiray R/wasaare Gaas.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %