Siyaasiyiin iyo odayaal nabad raadin ah oo gaaray Guriceel

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya iney maanta halkaas gaareen odayaal iyo siyaasiyiin ka ambabaxay magaaladaq Dhuusamareeb, kuwaasoo xal u raadinaya colaadda dhiiga badan ku daatay ee maalmahaan ka socday halkaas.

Wafdi tiro badan ka baxay Dhuusomareeb oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor ayaa gaaray Gurceel, waxaana ujeedka wafdigaas uu yahay in ay xaliyaan colaada ka taagan Gurceel.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta gaaray Gurceel ay la kulmeen Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ka dalbadeen in la joojiyo colaada, waxaana sidoo kale ay la balansan yihiin dhanka Ahlusunna.

Dhamaan xubnaha siyaasiyiinta iyo odayaasha ee gaaray Guriceel ayaa ka mid ah ergooyinka shirka nabadeynta beelaha gobollada dhexe ee ka socda Dhuusamareeb. Odayaashaas ayaan ka soo jeediin dhinacayada ku dagaalamaya Guriceel.

Xaaladda Guriceel ayaa maanta degan kadib markii dhowr maalmood halkaas dagaal ka dhacay, waxaana haataan gacanta ku haya ciidamada Ahlusuna Waljamaaca.

Dadkii ku noolaa Guriceel ayaa isaga cararay magaalada, waxeyna ku sugan yihiin deegaano ka baxsan magaalada, iyagoo naftooda kala baxsaday colaadda.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.