Siyaasigii Somalilnad u gacan geliyey Laascaanood oo u galay Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siyaasigii Somalilnad u gacan geliyey Laascaanood oo u galay Puntland

Mareeg.com: Siyaasiga Axmad Cabdi Xaabsade oo muddooyinkii u dambeeyey ka tirsanaa maamulka Somaliland, horayna xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland ayaa xalay gaarey degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Waxaa la filayaa in Xaabsade maanta oo Axad ah uu tago magaalada Gaalkacayo, halkaasoo sida loo badinayo uu uga soo kicitimi doono magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dadka ka faallooda siyaasadda gobolka ayaa siyaabo kala duwan u fasiray soo laabashada Xaabsade. Badi dadku waxay afka ku hayaan in tallaabadani ay caddeyn u tahay in Xaabsade uu dib mar kale Puntland ugu soo noqday.

Axmed Cabdi Xaabsade wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) oo ka qayb galay dhismaha maamulka Somaliland sanadkii 1991kii kana sii tirsanaa ilaa 1997-kii.

1997-kii, waqtigaas oo lagu howlanaa dhismaha maamulka Puntland, Xaabsade iyo rag uu ku jiro waxay hadana usoo wareegeen dhanka Puntland isagoo sii joogey ilaa sanadkii 2007.

Dib ayuu hadana Somaliland ugu laabtay sanadkii 2007, kaddib markii ay isku dheceen madaxweynihii Puntland ee xilligaas Cadde Muuse. Xaabsade wuxuu waqtigaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Puntland.

Xaabsade ayaa markii ay is khilaafeen isaga iyo Jen. Cadde Muuse ee u laabtay Somaliland, wuxuuna duulaan kusoo qaaday magaalada Laas-caanood, halkaasoo xilligaas Puntland xukumeysay, waxaana magaaladu sidaas gacanta ugu gashay Somaliland oo ilaa hadda hesyata.

Mudadii Xaabsade ka tirsanaa maamulka Somaliland, wuxuu soo qabtay xilal ay kamid yihiin: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta, Wasiirka Warfaafinta iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland ee xilligan, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u fidiyey gogol nabadeed madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha dega gobollada Sool iyo Cayn.

Waxaa la sugayaa wax uu ku hadlo Maxamed Cabdi Xaabsade, waxaase loo badinayaa inuu yahay nin qey ka qaadan kara dib usoo celinta magaalada Laascaanood, iyadoo madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu horay u sheegay in Laascaanood xoog lagu qabsaday ayna tahay in qaabkaas lagu soo celiyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!