Siyaasiga Loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Gaaray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siyaasiga Loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Gaaray Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Siyaasiga dhawaan Raysul Wasaare C/weli Sheekh Axmed u magacaabay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa manta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xuseen Cabdi Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabay, waxaana uu intaa ku daray in haddii ay mudanayaasha baarlamaanka codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumadda cusub ay la imaan doonaan howlo adag, ayna diyaar u yihiin u adeeggida bulshada.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda cusub ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa mar uu ka hadlayay xaquuqda shaqaalaha dowladda waxa uu sheegay in aysan dhici doonin in xaquuqdooda ay noqoto mid iska maqnaata, oo uu xoogga saari doonaa sidii ay bil walba ku heli lahayeen.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka mid ahaa xukuumaddii uu hogaaminayey Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Xubno badan oo ka mid ah golaha wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa ku sugan dalalka debadda, kuwaasoo laga sugayo iney dalka kusoo laabtaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!