Mareeg.com: Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ah gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoquraadiyada lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii uu ka yimid dalka Kenya.
Ciidamada Nabad Sugidda ayaa la sheegay iney qabteen siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan isagoo kazoo degay diyaarad ka timid Nairbi, kadibna loola dhaqaaqay mid ka mid ah xarrumaha hay’adaasi ku leedahay Muqdisho.
Lama oga ilaa iyo hada sababaha ka dambeeya xarigiisa, hase ahaatee Siyaasigan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta aad u dhaliisha dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana gurigiisa la weeraray maalintii la weeraray guriga gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.
Mareeg Media
Comments are closed.