Maree.com: Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha beelaha la hayb sooco, Bakhrad Jaamac Xirsi, ayaa iscasilay kadib markii uu muddo xilkaasi soo hayay.
Arrinta Iscasilaadiisa waxa uu ku sababeeyay bulshada uu ka tirsan yahay oo xaqoodii Siyaasiga ahaa ka waayay Xukumadda Siilaanyo.
Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha maamulka Somaliland uu kala hadlay arrintaas, balse uusan waxba ka qaban. Barkhad wuxuu xusay in bulshada la heyb sooco qof ka mid ah aanu xil ka hayn maamulka Somaliland.
“Umad dhan oo dunsan oo xaqeedii siyaasiga ahaa maqan yahay ayaa keentay inaan xilka iska casilo” ayuu yiri Mr Barkhad, isagoo intaasi raaciyay “Xukumadda iyo Madaxweynaha xilkii aan u hayay ayaan iska casilay laakiin, xisbigii Kulmiyie golihiisa dhexe ee aan ku jiray wali iskamaan casilin”.
Barkhad ayaa madaxweyne Siilaanyo ayuu uga mahadnaqay wada shaqayntoodii “Madaxweyne maamus iyo sharaf ku waar waanan kaaga mahadcelinayaa wada shaqeynteeni muddada soo socotey ee macasalaama. Somaliland guul iyo gobonimo waarta shacabkeygow guuleysta waana igu balan ka shaqeynta daryeelka bulshada iyo danta guud” ayuu sidoo kale yiri Barkhad qoraal uu bartiisa facebook ku baahiyay.
1-dii bishaan Maarso, waxaa xiilka wasaaradda waxbarashada oo loo magacaabay diiday wasiirkii hore ee maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, kaasoo ka biyo diiday isku shaandheyn madaxweyne Siilaanyo ku saameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.
Waxaa sii badanaya mucaaradda ka dhanka ah madaxweyne Siilaanyo, iyadoo mucaaridka banaanka ay usii dheertahay mid uga imaaneysa xubno ka tirsaan xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.