Siyaasi ku dhawaaqay in Maamul goboleed cusub dhisayo oo lagu xiray Somaliland — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siyaasi ku dhawaaqay in Maamul goboleed cusub dhisayo oo lagu xiray Somaliland

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliiska maamulkaasi gacanta ku dhigeen Nin Siyaasi ah oo dhawaan ku dhawaaqay in uu dhisayo Maamul goboleed cusub oo ka madax banaan Somaliland.

Siyaasiga Saleebaan Ibraahin Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu dhisayo maamul la magac baxay Saaxiland oo ka madax banaan maamulka Somaliland uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Madaxda maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay ka caroodeen hadalka Siyaasigaasi ku dhawaaqay waxa ayna amreen in ninkaasi si deg deg ah loo soo xiro loona horgeeyo Maxkamad.

Siyaasiga la xiray ayaa si weyn uga soo horjeestay Shirkada Imaaraadka ee lagu wareejiyay Dekadda Berbera, waxa uu sidoo kale kasoo horjeeday sahaminta shiidaalka ee laga bilaabayo magaalada Berbera .

Maamulka Somaliland ayaa xarig ku haya dadka Siyaasada maamulkaasi kasoo horjeesta ama taageera Siyaasada Soomaaliweyn, waxaana deegaanada maamulkaasi ku xir xiran dad badan oo Siyaasad u xiran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!