Siyaasi aad u mucaaradi jiray maamulka Juba oo ka degay Kismaayo (Waa kuma?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siyaasi aad u mucaaradi jiray maamulka Juba oo ka degay Kismaayo (Waa kuma?)

Mareeg.com: Waxaa maantamagaalada Kismaayo ka degay guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo wafdi uu hogaaminayo, iyadoo garoonka ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubba iyo qeybo ka mid ah bulshada.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo ay wehlinayeen madax ka tirsan maamulka Jubba ayaa la geeyey xarunta madaxtooyada Kismaayo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fatraag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Fartaag oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo.

Kaliil oo isna goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay in ay magaalada Kismaayo u yimaadeen sidii loo dhameystiri lahaa arimaha dib u heshiisiinta.

Mas’uulkan ayaa sheegay in gobolka Gedo uu kamid yahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubba, wuxa uuna sheegay in ay dhameystiri doonaan waxyaalaha ka dhiman in uu lugihiisa ku istaago maamulka.

Kaliil ayaa ugu baaqay guud ahaan beelaha ku dhaqan Jubbooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda islamarkaana ay ka hortagaan wax walba oo keeni kara in dib loogu laabto colaadihii uu dalku soo maray.

Maxamed Cabdi Kaliil oo dhawaanahan khilaaf kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya, ayaa hadal uu dhawaan warbaahinta mariyey isagoo ku sugan Muqdisho ku sheegay inuusan wax u heyn booqashadii halka maalin aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Garbahaarrey.

Kaliil ayaa ka mid ahaa dadkii ka horjeeday maamulka Axmed Madoobe, hase ahaatee waxaa muuqata inuu u dabcay maamulkaas kadib markii uu dhashay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!