Siyaasada Soomaaliya Dawladaha Carrabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siyaasada Soomaaliya Dawladaha Carrabta

By Ali Osman ccusmaan@gmail.com-mareeg.com-Maxaa Soomaaliya kaga quman ama kaga aadan in ay ka yeesho siyaasadda arimaha dibada ee dallalka Carrabta?Intii aanan ka jawaabin, waxaan jecleystey in aan soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee tusineysa, siyaasadda wadamadda Carrabta ee jirta maanta.  Aniga oo ka fiirinaya xagga dagaaladii ay galeen ha ahaadeen mid militari ama mid diblomaasiyadeed.

 

Siyaasada aduunka jirta ee maanta waxaa saldhig u ah dagaal (War). Dagaalkaas waa mid caskari ah ama waa mid dibloomaasi (Diplomacy) ah. Dawladaha ka dhashay dagaal guul daro sida Dawladaha Carrabta siyaasadooda waxaa ay ubadantahay mid faashil ah. Bal aan eegno guul darradda dallalka carrabta ay kala kulmeen dagaaladdii ay galleen baddankoodda.

  • 19960 kii ciidammadii habaysnaa ee dalka masar waxay ku guul dareysteen in ay ka guuleystaan jabhadihii iyo maleeshiyaadkii Dalka Yemen ee ay dagaalka la galeen.
  • Siiriyiintu waxaa ay gacanta sare heleen markii ay u isticmaaleen hub aan caadi ahayn iyo askar boqolaal kun gaareysa dalka lubnaan 1970 yadii oo ahaa dal aan hub badan haysan isla markaana aad u kala qayb qayb sanaa.
  • Ciraaqiyiintu waxay ku guul dareysteen in ay ka guuleystaan ciidamadii Iiraan ayadoo ciidamada Iiraan ay hore u soo wiiqday dhaqaala yari iyo kacaankii ka dhashay dalkaas iiraan, welina dhanka Ciraaq carrab oo dhan iyo waqooyiga Yurub iyo Mareykan ay taageero xoogan iyo garab siinaayeen.
  • Ciraaqiyiintu waxaa kaloo ay ka guuleysan waayeen dagaal ayaga iyo Kurdistaanka u dhexeeyey mudo sodon sano ka badneyd.
  • Dagaalkii dhexmaray Kuwait iyo Ciraaaq labada dhinacba waxaa ka muuqatay dacdaro aad iyo aad u baahsan.
  • Dagaaladii dhexmaray carrabta iyo yahuuda waxaa intooda badan guushii ku raacday Yahuuda
  • Wadammadda Khaliijka oo uu horkacayo Sacuudigu waxaa ay dagaal ku qaadeen dalka Yemen ilaa maantana dagaalkii wuxuu socdaa wax guul ah oo ay ka gaareena ma jirto ha ahaato mid dagaal ama mid dibloomaasiyadeed.
  • Dawlada Masar oo intay ciidamo iyo hub haysato la wada garanayo waxaa ay ka saari la dahay saxaaraha Sinai niman yar oo falaago ah mudo ka badan 20 sanadood.
  • Dalka Bahrain markii ay ka dheceen banaanbaxyo Shiicada dalkaas ay qaban qaabisay waxaa loo diray 130,000 ciidamo sacuudiyiin ah, si loo badbaadsho boqortooyadii dalka Bahrain. click next page

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!