SIRTA XASAASIGA AH EE KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA "MADAXDA QARAN" EE SOOMAALIYEED! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

SIRTA XASAASIGA AH EE KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” EE SOOMAALIYEED!

shirwasiiroMadaxweyne%20Xassan%20Sh%20Maxamuud%20iyo%20Faarax%20xilli%20horeCabdullaahi

shirkhaaslabosaxibHORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, horta aan ku bilaabo’e xiligii Ra’isulwazaarenimada tartanka loogu jirey, oo rag badani eey xilkaa u xusulduubayeen, ayaa waxaa Madaxweynuhu iska diidey rag badan oo xaqiiqdii aad u culculusaa, aqoon ahaan, khibrad iyo waayoaragnimo ahaan intaba. Ragaas waxaa intooda badan uu Madaxweynuhu ku qoonsadey shuruudo u gaar ahaa, oo magacaabista Ra’isulwazaaraha uu ku xirayey, balse eey ugu waaweeynaayeen labo shardi. Labadan shuruud waxeey kala ahayeen: 1-In ninka uu Madaxweynuhu Ra’isulwazaare u magacaabayo noqdo “Nin uu wadankaro”, kana firfircoonaankaro, isagoo ka faa’ideeysanaya khibrada xukuumadihii ka horeeyey, maxaa yeeley madaxweyne Sh. Shariif wuu iska wadankarey Ina Sharmaarke, balse markii uu magacaabey Farmaajo xaalkiisu wuu is badaley, oo Farmaajo ayaa aad uga firfircoonaa, kana sumcad dheereeyey, oo shacbiyad aad u weyn ummada ku dhexyeeshey, dabcan illaa iyo maantana xaqiiqdii ku dhex leh.Waxeeyse howsha Shariif uga sii dartey markuu Ra’isulwazaare ka dhigey Dr. Cabdiweli Cali Gaas, taasoo la yaabkeedaa laheyd, maxaa yeeley wuxuu Cabdiweli dagaal xoog leh iyo Caayba la daba taagnaa Sheikh Shariif xilligii C/llahi Yusuf, taasi oo ay Rag badan ku sifeeyeen in Sheekh Shariif uusan aragti fog lahayn. Cabdiweli wuxuu Shariifkaba ka dhigey nin hurda, siduu doonana ugu dulshaqeeystey, illaa uu dowladii Qarankaba Puntland hoos geeyey, Faroolena ka dhigey nin aad u awood badan, oo waxkasta oo Qaranka quseeyaba aanan looga maarmin. Wuxuu gaarey Cabdiweli Gaas heer ah in uu ka dhigo wufuudii dowlada Qaran u matali laheyd shirar caalami ah, gudi si toos ah uga socda puntland, miraha kasoo baxana Puntland eey gaar u qaataan.Waxaa intaa dheereyd in qalabkii dib u dhiska Caasimada dowlada Talyaaniga u bixisey, uu si toos ah ugu wareejiyey maamulka Puntland. Iyadoo meesha aanu ka marneyn “Dastuur-ku-sheegii” shakiga uu ku galiyey Caasimada dalka ee Muqdisho. Qoraa sare: Cabdi Cismaan, oo qormo ka sameeyey rag uu Cabdiweli ku jiro, ciwaankeeduna aha “Taariikhda Madow ee Qaswadayaasha Soomaaliya | QEYBTA KOOWAAD” fadlan Link-gaa ka eeg, qeybta quseeysda Dr. Cabdi Weli Cali Gaas, adiga ayaa ka dhargidoona sida uu waxbayahay uga dhigey Sh.Shariif, uguna dulshaqeeystey. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo tariikhdaa ka faa’ideeysanaya ayaa si sidii Sh. Shariif ku dhacdey aaney ugu dhacin, ayaa wuxuu doorbidayey nin uu ka firfircoonaankaro, sidaana shardiga koowaad ka dhigtey.
Shardiga labaad oo raga kasoo gudba qodobkaa hore oo kaliya lagala hadlayey ayaa ahaa, 2-In ninkaa daneeynaya in Ra’isulwazaare loo magacaabo uu ogolyahay liis wadaxweynuhu watey oo Damjadiid ahaa uu jagooyin waziiro ah, oo waliba uu sii xadidey, iyagoo sidooda ah in uu ugu magacaabayo, waliba waziirada oo kaliya ma aheeyne in uu waziiro kuxigeenada iyo waziiru dowlayaasha lamagacaabi doonaba uu sidaa oo kale Liiska loo keeni doono uu u yeelidoono. Qodobkan rag kooban oo shardigaa hore kasoo gudbey baa iska diidey, iyana xilka Ra’isulwazaarenimo ku waayey. Ra’siwazaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid wuxuu kasoo baxaey shardigii 1-aad, wuxuuna si toos ah u aqbaley shardigii 2-aad, sidaa daraadeed waxaa madaxweynuhu ku abaal mariyey jagadii Ra’isulwaaaraha Dowalada Federaalka ah ee Soomaaliyeed. liiska loo dhiibey waxa ugu cadcadaa sadex qof, xaqiiqdiina ahaa lama taabtaan: 1-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya: Mudane: Faarax C/qaadir (Faarax Topaz) oo ah Damjadiid, ahna mas’uulka ugu sareeya hey’ada weyn ee Muslimii Ifriiqiya, Simad iyo Sikuulka weyn ee Axmed Gureeyna iska leh, iyo mashaariic badan oo Soomaaliya Gudaheeda ah.Waa nin aad u firfircon oo aad u karti badan, jecelna in uu gadaal (Shaashada gadaasheeda) wax kahogaamiyo.Waa ninkii hogaaminayey ololihii utartanka Madaxweynenimo ee Madaxweyne Xassan. Waa ninka hey’adiisu maalgalisey mahcadka Simad ee Xassan uu madaxda ka ahaa. Faarax inkastoo Wazaaradii uu doono uu helayey, hadana si aan Madaxweynaha loogaga dhawaan, Villa Soomaaliyana uu dalka uga maamulo ayuu isaga doortey in loo magacaabo Waziiru-Dowlaha Madaxtooyada. Waxeey labadoodu waligood ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow. Faarax oo kasoo jeeda mid ka mid ah Beelaha aan Muqdisho ku xoogbadneyn, (Reer Owxasan), ayaa Xassan Sh.Maxamuud oo Abgaal ah (Waceysle), wuxuu u ahaa Nin meelo badan wax uga soo dhicinkara mashaariicda baaxada weyn ee Faarax, gaar ahaan Waqooyiga Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan.
2-liiska waxaa safka hore kaga jirey sidoo kale: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka ee xukuumada federaalka ah ee Somalia: Mudane: C/kariin Xuseen Guuleed oo isna ah Damjadiid, kana mid ah shaqaalaha usoo shaqeeyey hey’ada Muslimii Ifriiqiyada ee Faarax madaxda u yahay, iyo waliba college-kii Simad. Maadaama C/Kariin kasoo jeedo Beesha Habargidir (Sacad), isna wuxuu u ahaa Faarax nin meelo badan wax uga soo dhicinkara, gaar ahaan Koonfurta Muqdisho iyo gobollada reerihiisu dagaan 3-Waxaa Iyana liiskaa ka mid aheyd wasiirada Arimaha Dibada, ahna Ra’isulwazaare ku xigeen: Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji, waa gabadhii eey Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud isla wadeen mashruucii Jaamacada Hargeeysa. Mudo ayey iskala qaraabanayeen oo wax iskala cunayeen mashaariicda UN-ka wax looga cuno. Waxbadan beey iska kala ogyihiin, waase laba qofood oo wax isla wadi kara, isla cunikara, kalana badbaadi kara, waana waxa saaxiibada aadka u dhow ka dhigey oo xilkaa eey ku muteeysatey, liiskana safka hore uga gashey. Meesha kaliya oo eey isugu dhicikareen waa arinta “Qadiyada Goonni-isu-taagga Somaliland”, taana Madaxweeynaha indhaha ayuu ka laabtey, oo waakan soo istaageyba [Wax Diplomatic Pressure ah u isticmaali meeyno Somaliland], ogoowna Diplomatic pressure waa awooda kaliya ee dowladani heysato si dalka aan loo kala gooyne, ileyn “Economic Pressure”, ma heeyso, oo iyadaaba mushaaraadka laga bixiyaa, “Military Pressure-na” warkiiba daa, oo iyadaaba Villa Somalia lagu waardiyeeyaaye. Wuxuuna sidoo kale Madaxweynuhu goostey in uu albaabkaba ka xirto “Khaatumo State” oo taagan midnimaan rabtaa, sidaa daraadeedna eey Somaliland xiisado colaaleed kala dhaxeeyso. Foowsiyo maxeeyba iyada iyo saaxiibkeed iskula dhacaanba! Marka arintan “Midnimada” toos saxaafadu uweydiiso Foowsiyana jawaab cad iska diidey in ey ka bixiso, maxaa yeeley Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir oo Waziir iyo Ra’isulwazaare ku xigeen kasoo noqdey Xukuumadii Soomaaliya ee uu Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf ka ahaa, maantana xukuumada Soomaliland dib ugu noqdey, sidiisii oo kale ayaa malaha iyana u qorsheeysan in eey Ururkeedii Siyaasadeed ee Somaliland ka dhisnaa, dib boorka uga jafto, waliba iyadoo aduunka caan ka ah, oo Soomaaliya oo dhan usoo noqotey Ra’isulwazaare ku xigeen iyo Waziir Arimo Dibad.
MAXAA IS BADALEY, OO LEEYSKU HEEYSTAA KHILAAFKANA KEENEY?
Mudo sanad ah ayaa sidaa aan kor kusoo xusney lagu shaqeeynayey, xaqiiqdiina inta badan siyaasada dowlada waxaa kala wadey “Madaxweynaha iyo Kooxdiisa” oo eey ugu horeeyaan; Faarax C/qaadir (Faarax Topaz), C/kariin Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Kamaal Daahir Guutaale oo ah Chief of Staff-ka Madaxweynaha. Waxaa jira waziiro madaxweynha iyo Ra’isulwazaarahaba kawada garab muuqda kartidooda iyo firfircoonidooda darteed sida: waziirada Wasaarada Hormarinta Adeega Bulshada: Dr. Maryan Qaasim Axmed, wasiirka Difaaca Mudane: C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka Warfaafinta Mudane: C/laahi Ciil Mooge Xirsi. Nasiibdaro! waziirada Madaxweynuhu keensadey Ra’isulwazaaraha waxba uma oga, waxaa daliil kuugu filan shirkii waziirada ee dhacay (November 14, 2013), khilaafka labada mas’uul ka dhaxeeya darteed aaneyba soo xaadirin “Waziiradii madaxweynaha” iyo waliba kuwo kale oo xilkooda u cabsadey.
Saacid waa nin wadani ah, waana nin dagan oo aad u samir iyo dulqaad badan. Waxbadan indhaha ayuu ka laabanayey, maadaama uu ogaa sida uu ku yimid. Wuxuu sidoo kale mudo iska indhatirayey “Kooxda S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Galeyr, Gaandi, Ina Sharmaarke, Cabdiweli, iyo inta ku fikirka ah ololo Beeleed eey wadeen isaga ku kicinayeen. iyadoo eey ragan jiraan ayaa sanad kabacdi waxaa ololihii kusoo biirey kooxo kale, oo isu wada baheeystey naceybka madaxweeynaha iyo kooxdiisa Damjadiid, waa kuwii la baxay “Golaha Samatabxinta Qaranka” ee Nairobi ku shirey. Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Fuley la caraadiyey, Geesi buu noqdaa!” ugu dambeyn Ra’isulwazaare Saacid, wuxuu ku qancey in uu xaalka wax ka badalo.
Qorshaha wuxuu ka bilaabey in uu yiraahdo xukuumada ayaa la ballaarinayaa, madaama wazaarado badan isku hoos jiraan, madaxweynahana wuu ku qanciyey, ulajeedada dhabta ahse waxeey aheyd in uu xafiiskan Ra’isulwazaarenimo ee uu isu arkey in uu maqaar-saaar ka yahay, si buuxda gacanta ugu dhigo, isagoo soo magacaabaya xukuumada isaga u og in uu madax u yahay, oo eey hoos tagaan, taana ma dhici karto iyada oo aan meesha laga saarin “Waziirada Madaxweynaha” ee Damjadiid, gaar ahaan raga garbaha u ah madaxweynaha ee uu ku duulo, ama “Inner circle-ka Madaxweynaha”. Sidaana wuxuu ku gudbiyey Liiska cusubka ee waziirada oo eey kawada maqanyihiin kuwii safka hore kaga jirey liiskii loo dhiibey xiligii la magacaabayey. Dadkaa waxaa ugu horeeyey Faarax, Fowsiyo iyo Cabdikariin
Nasiibdarro! Ra’isulwazaaraha wuxuu iska indhatirey in madaxweynuhu aanu ogolaaneyn in liiskaa meesha ka baxo, Gaar ahaan Faarax C/qaadir (Faarax Topaz). Hadaan soo gaabinno, “Faarax C/qaadir meesha haka baxo, waxeey la mid tahay Xassan Sh. Maxamuud meesha haka baxo”, waana waxa keeney xanaaqa gaarey, “Saacid; Adeeroow is casilba!”.
HORTA MADAXWEYNUHU MA CASILI KARAA RA’ISULWAZAARAHA SHARCIYAN?
Jawaabta tooska ah ee su’aashaasi waa: “Maya!”. Maxaa yeeley [Dastuur-ku-sheega] hadda inoo yaallaahi cutubkiisa 7-aad, qodobka 90-aad wuxuu ka hadalayaa Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha JFS, isla qodobkaan farqadiisa (d) iyo (e) waxeey dhigayaan sidan:
D) Wuxuu madaxweynuhu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad, wuxuuna xilka ka qaadayaa, ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka ah, hadii eey weeydo codka kalsoonida golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal dheeri ah (50%+1).
E) Wuxuu Madaxweynuhu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wasiir-ku- Xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
Waa intaa waxa inoo qoran, balse malaha “Orodoo is casishu”, waxeey aheyd codsi’e, meel ma heeysato sharciyan.
MUXUU KU DAMBEYNKARAA IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?
Hadii aan la xallin, waxaa ugu dambeyn daaqada ka baxaya mudane: Saacid, meeshaa ayuuna kusoo afjarmayaa Political Career-kiisii Ra’isulwazaare ahaan, waa marka aad dib u fiiriso taariikhda mugdiga ah ee isku soo dhaca madaxda’e. Waxaa intaa kuu sii raacsan in Saacid aanu taageero ka heeysan inta badan beelaha Daarood, Digil & Mirifle, oo waxeey isku seegeen sanadkii si kasta eey ugu kicinayeen Madaxweyne Culusoow, balse uu ka dhaga adeeygey, maanta waa xiligii eey duruusta u dhigirabeen. Dir iyo Hawiyana inta uu ka heeysto ma badna. Laakiin waxa meeshaa ku qasaaraya ma aha Saacid oo kaliya, ee Madaxweyne Xassan isna qasaare farabadan ayaa kasoo gaaraya, maxaa yeekey nin eey wada shaqeeynkaraan, ama sida dadka qaar u dhigayaan, “Uu wadankaro” ayuu heeystay, kan imaandoona sida uu ku noqondoono ma hubo, inta arintan aan xal laga gaarinna, waxaa maalinba maalinta kasii dambeeysa buris weyni uu ku dhacayaa isaga iyo kooxdiisa Damjadiid, iyo waliba guud ahaan xukuumada uu madaxweynaha u yahay, oo in badani aaminsaneyd in eey tahay xukuumad rasmi ah, oo wixi hore ee xumaa oo dhan ka gududbtey, is khilaafka madaxduba ha ugu horeeyee.
YEEY DANI UGU JIRTAA IS KHILAAFKA MADAXWEYNE CULUSOOW IYO SAACID?
Dhowr kooxoodba dabaaldagii eey bilaabeen marka khilaafka labada mas’uul uu soo baxay illaa hada weey ku jiraan. Kuwaa waxaa ugu horeeya 1-Kooxa qabyaladeed ee “S-A-H-A-L”, Faroole, Jurille, Ina Sharmaarke, Cabdiweli Gaas, Galeyr iyo Gaandi iyo inta ku fikirka ah oo mudo sanad ah Caayda iyo Caraadinta Saacid ka dhamaanwaayey. Faroole iyo inta ku fikirka ahba waxeey rajo weyn ka qabaan in sidii hore u dhacdey xiligii Farmaajo, inta Saacid meesha ka baxo, Faroole Ina-Adeerkii loo dhiibo Xilka Ra’isulwazaarenimo, kaasoo sidii Cabdiweli Gaas danaha ummada Soomaaliyeed oo dhan Puntlad hoosgeeya, oo waliba u garbaduuba Soomaali oo dhan. Waxaa intaa soo raaca 2-Kooxda Nairobi, ee isku magacoowdey “Kooxda Samatabixin Qaranka”, oo eey aad ugu weyntahay naceybka Madaxweynha iyo Kooxda Damjadiid, ugu yaraana raba in eey arkaan, dowladan oo gabi ahaanba burburta maadaama eey ku ridey “Rajo beel jaggo”. Kooxdan waa fursad xil raadis, naceybkoodu meel kale haka raadin. Waxaa soo raaca 3-Xildhibaannada intooda badan marka laga reebo tiro aad u yar, oo Mooshin keenis iyo khilaafka madaxda sare “Naq iyo Barwaaqo ka daga”, oo caasuumad joogto ah iyo dhaqaale xoogan oo lagu kala jiidanayo u bartey in eey farqaha ka buuxsadaan, ogow hade waa dhaqaale xaaraan ah, ileyn dhaqaalahaa waxaa iska leh danyarta Ummada Soomaaliyeede, iyo igu dambeeyn 4-Wadamada dariska iyo hey’adaha Nairobi u fadhiya dhaca dhaqaalaha ummada, oo u arka khilaafka joogtada ah in uu sii fogeeynayo rajada Ummada, iyo helitaankooda Qaran dhab ah, oo danta dadka iyo dalka si dhab ah uga shaqeeynkara.
MAXAA XAL AH OO DANTA GUUD IYO TOODUBA EEY KU JIRTAA?
Gudoomiyaha maxkamada sare oo Universal wareeysi khilaafkan ku saabsan siiyey wuxuu yiri, “Muskiladu waa nidaamka aan qaadanney” link-gaa ka daawo, gudoomiyaha Baarlamaankuna ka hadal. Anigase ma garanayo in eey ka wada badbaadinoonaan Culusoow iyo Saacid kuwa iskusii diraya, kala jiidanaya, siina kala fogeeynaya, oo qarashka ku bixinaya, balse hadii caqli miirqabaahi eey ku fikiraan, waxaa usoo baxeeysa in eey ku dadaalaan is fahan, iyo isu danaasul, cadowgoodana aaney fursad siin, walibana aanu waqtiga kusii dheeraane degdeg eey xal u gaaraan, waloow taasi adagtahay, hadana waligeedba hadii rabitaan jiro, xal lama waayo, maahmaah Ingiriis ah ayaa leh, “If there is a will, there is a way”.Waxaan ku gabagabeeyn lahaa, “Madaxweyne Shalay adigoo rag kuu tashadey ayuu Ra’isulwazaare Saacid kuu hiiliyey, ee maanta u hiilli oo cadow ha u jabin, waa hadaad nin in la taageero mudan tahay’e.”
Writing only for SOOMAALINIMO
Wabillaahi Toowfiiq

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed. Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.