Sirdoonka Soomaaliya oo sheegtay in weerar gaar ah ay ka fuliyeen degmada Baardheere * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sirdoonka Soomaaliya oo sheegtay in weerar gaar ah ay ka fuliyeen degmada Baardheere

Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ciidamadooda qaaska ah ay weerar guuleystay ka fuliyeen saldhig ku yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay sheegeen inuu shir uga socday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalo la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay bambaanooyin ku weerareen saldhigii hore ee Baardheere, ayna ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Warka la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ku dileen weerarkaas Sarkaal magaciisa ay ku sheegeen Yuusuf Xaaji, isla markaana weerarkaas uu jawaab u ahaa weerarkii shalay Al-Shabaab ka geysteen degmada Shibis, gaar ahaan dugsi lagu tababaro Ciidamada Nabadsugida.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay inay jiraan khasaarooyin kale oo Al-Shabaab weerarkaas ku gaarsiiyeen, ciidankoodana ay dib u soo laabteen.

Ma jirto illaa iyo hada war ka madax banaan sheegashada NISA, balse Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in howl galkan uu yahay mid qeyb ka ah howl gallo uu sheegay in Ciidamada Ammaanka bilaabeen.

Haddii ay dhab noqoto weerarka ay sheeganayaan NISA waxay noqoneysaa markii u horeysay uu Sirdoonka Soomaaliya weerar ka fuliyo Baardheere ama goob ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!