Sirdoonka Holland oo la ogaaday in ay dhagystaan Tellfonnada Soomaalida * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sirdoonka Holland oo la ogaaday in ay dhagystaan Tellfonnada Soomaalida

Mareeg.com-–Warbixino la shaaciyay ayaa lagu sheegay in Sirdoonka wadanka Holland ee  MIVD ay dhagaystaan Tellfoonada ay adeegsadaan dadka Soomaaalida ah.

Decumentiyadda la helay ayaa lagu sheegay in Sirdoonka wadanka Holland ay si sharci dara ah ugu dhacaan Computereda iyo Mobilelada ay adeegsadaan dadka Soomaalida ah .

Aqalka Wakiiladda wadanka Holland ayaa codsaday in faaafaahin laga bixiyo qaaabka ay u shaqeeyaan laamaha Sirdoonka wadankaasi kadib markii dhawaan ay soo baxday in Sirdoonka Maraykanka ee NSA loo yaqaano ay u dhacaan Computerda Imeelada ayna dhagaystaan Isgaarsiinta wadamo badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay .

Warbxiin Sir ah oo uu shaaca ka qaaday Ninka Baxsadka ah ee Maraykanka u dhashay Edward Snowden kaa soo la shaqayn jiray Laamaha Sirdoonka Maraykanka ayaa waxa uu Sheegay in Sirdoonka Holland ay dhagaystaan tellfoonada badan oo Soomaalidu ay adeegsadaan kadibna ay la wadagaan xogaga ay helaan Sirdoonka NSA ee dalka Maraykanka sida lagu daabacay Wargayska  NRC Handelsblad la yiraaho ee wadankaasi Holland ka soo baxa.

Warbixinadda sirta ah ee la helay ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu u adeegsado dhagaysiga Tellfoonada in uu bartilmaameedsado Kooxa Islamiyiinta hogaamiyaashooda oo ku sugan Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

Edward Snowden ayaa horay u dusiyay Decumentiyo Sir ah oo ay la hayeen  Laamaha Sirdoonka Maraykanka, isagoo sheegay in ay dhagystaan Madaxda dowlada Caalamka iyo Qaramada Midoobay hadiiba Madaxdii Caalamka la dhagysanayo hadana la shaaciyay in Dadka Soomaaliyeed la dhagaysto Tellkfoonadooda loona dhaco Computeradooda yaa diidaya in sidaasi si lamid ah loo dhagysto Hogaamiyaasha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Dhaq dhaqaaqa Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More