Sirdoon Al Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay.

Maxamed Cabdi Cabdullaahi Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Qoryooleey  oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmadaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay Guddoomiye ku xigeenku in xaaladda ammaan ee degmada Qoryooleey iyo deegaanada ku dhow dhow uu wanaagsan yahay islamarkaana saacadihii la soo dhaafay ay sameeyeen howlgallo lagu soo qab qabtay qaar ka mid ah dagaalamaayaasha Al Shabaab oo uu sheegay in deegaanadaasi gabaad ay ka dhiganayeen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale  Mudane Maxamed Cabdi Cabdullaahi Gaashaan guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maamulka degmada Qoryooleey ayaa cadeeyay in dadka ay soo qabteen uu ka mid yahay Sarkaal dhinaca Sirdoonka u qaabilsanaa Al Shabaab oo ay ku wareejin doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa weeraro ka fuliya gudaha degmada Qoryooleey iyo deegaanada ku dhow dhow oo Saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245