Mareeg Media
Somalia

SIR Culus: Sheekh Shariif oo oo fashil iyo ceeb dhexda ka taaga kadib hadalkii kasoo yeeray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa dhawaan waxaa kasoo yeeray hadal dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ku noqday Arrin layaab leh.

Isaga oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Farmaajo uu dalka ka saari doono hadii aysan joojin dhibaatada ay ku heyso shacabka iyo Madaxdii hore, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa uu ay Shariif ku noqotay mid uu ku fashilmay, isla markaana ay ceebweyn ka raacday.

Sidoo kale xiliga uu hadalkaas jeedinayay Sheekh Shariif  ayaa waxaa dhinac fadhiyay Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo Sawirro laga soo qaaday laguna baahiyay baraha Bulshada lagu arkayay isaga oo qoslaya, waxaana loo fasiray Qosolkaas inuu yahay mid uu ku fashiliyay Sheekh Shariif oo mar soo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.

Intaas kadib dowladda Federaalka ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay ku tilmaamtay hadalka in Dowladda uu layaab ku noqday Warkaas oo aan munaasab aheyn inuu ku hadlo qof xilka Madaxtinimada soo maray.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkii Sheekh Shariif uu jeediyay uu ahaa mid aan laga filan kari inuu ku hadlo qof dalkaan Madaxweyne ka soo noqday.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ugu baaqay inuu dhowro magaciisa iyo sharfkiisa, kana dheeraado waxkasto oo dhaawici kara muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay.

Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu Weerar Afka ku qaaday Madaxweynayaashii hore ee soo maray Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maro dalka uu leeyahay afar sano oo muddo xilliyeedkiisa ah isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugtaan waqtiga yar ee u haray Dowladda Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Salaad Cali Jeelle ayuu tilmaamay in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif inay dambiyo badan galeen intii ay xukunka hayeen aysana jirin cid diiday inay dhameystaan waqtigii Dastuurka u ogolaanayey.

Dad badan ayaa rumeysan in Xasan Sheekh uu shqeystay Shariif Sh Axmed, isla markaana uu shacabka Soomaaliyeed ku ceebeeyay, taasi oo meesha ka saartay sumcadii uu Shariif ku lahaa Bulshada, kadib markii uu Bulshada la soo hor istaagay hadalo aan wanaagsaney, isla markaana uu xiligaan oo dalka galay horumar uu ku hanjabay dagaal oo  laga soo daalay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa isku diray Shacabka iyo Shariif Sheekh, isagoona Xasan doonayay in Shacabka ay dowladda ku kacaan, hayeeshee arrintaas aysan u suura gelin, maadaama talada dalka ay hayaan  Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda ayaa weerar Culus ku qaaday Sheekh Shariif, kadib markii uu ka soo yeeray hadalkii ahaa in dowladda uu dagaal uga saarayo Muqdisho.

Xasan Daahir Aweys ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyay inuusan ka cabsaneyn in dadka ay nacaan, isla markaana dad badan uu ku daneystay xiligii dalka uu ahaa Madaxweyne uuna meel cidlo ah uga tegay markii uu danta uu lahaa ka gaaray.

Sidoo kale Shariif ayuu tilmaamay inuu cadowga iyo mooryaanta ka saarin dalka, hayeeshee uu isaga si fudud ku helay xilka uuna mid cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

Ugu dambeyntii Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda ayaa Sheekh Shariif ugu baaqay inuu Alle ka cabsado, isla markaana uu joojiyo hadalada aan munaasabka aheyn ee uu ku hadlayo isaga oo soo maray Madaxweynaha dalka.

Si kastaba tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu dalka galay marxalad siyaasadeed oo ka duwan kuwii horey uga jiray dalka, iyagoona dalka soo gaarsiiyay meel wanaagsan, isla markaana haatan uu marayo meel aad u fiican, waxaana dalka ka hirgalay waxyaabo badan oo Xukuumadda Nabad iyo Nolol ka qabatay Soomaaliya.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!