Siilaanyo: Xildhibaanada la xiray kama sareeyaan Sharciga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siilaanyo: Xildhibaanada la xiray kama sareeyaan Sharciga

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira deegaanada uu hogaamiyaha u yahay iyo 5 xildhibaan oo boolisku xireen.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa qaska iyo khalkhalgalinta amniga ku eedeeyey golaha Wakiiladda, isla markaana uu xusay in mar walba khilaaf dhexdeedda ahi uu hakiyo masuuliyiiddii ay qaranka u hayeen.

Siilaanyo ayaa sheegay in qaskii uu abuuray golaha Wakiiladdu ku geeriyooday hal qof ilaa afar kalana ku dhawacmeen ay, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay.

“Waxaa ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey, hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen” ayuu yiri Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Dhanka kale, Axmed Siilaanyo oo wax laga weydiiyey xildhibaanada xabsiga la dhigay ayaa ku dooday in markii la xiryay lagu haye dambi ay gacanta kula jireen.

Xildhibaanada la xiray ayaa kala ah: Saaciid Cilmi Rooble, Maxamed Saalax, Ibrahim Mahdi Buubaa, Bashiir Tukaale,and Jaamac Xasan Aadam, sida uu sheegay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, C/raxmaan cirro oo shir maanta ku qabtay Hatgeysa.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Siilaanyo iyo gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro ayaa gaaray in baarlamaanka la geeyo mooshin ka dhan Cirro, hase ahaatee waxaa dib loo dhigay muddo labo maalmood ah kadib markii ay arrinta soo dhexgaleen Golaha Guurtida.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!