Siilaanyo: Waxaan leenahay awood aan isku difaacno haddii dhul naloo sheegto * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siilaanyo: Waxaan leenahay awood aan isku difaacno haddii dhul naloo sheegto

Hargeysa – Mareeg.com: Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ee maamulka Somaliland ayaa maanta ka furmay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirkaan oo ay ka qeybgelayaan ergooyin ilaa kun ah ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ee haya talada maamulka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo shirweynaha xisbiga uu ka tirsanaa ka jeediyey khubad ayaa soo hadal qaaday xiiriirka maamulkiisa iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ku hanjabay iney dagaallamayaan haddii lala sheegto dhulka ay aaminsan yihiin iney leeyihiin.

“Haddey naga xumatay walaalnimadii midowgu yaaney naga xumaanin walaalnimada derisnimo” ayuu yiri Axmed Siilaanyo

“Somaliland waa la yaqaanaa xuduudaheeda, haddii nalagu xadgudbo waxaan heynaa awood aan ku difaacno xuduudaheehna” ayuu sidoo kale yiri Axmed Siilaanyo.

Dhawaanahan waxaa muran xoogan ka jiray deegaano ka mid ah gobolka Sool oo ay ugu weyntahay degmada Taleex, halkaasoo mar ay qabsadeen ciidamada Somaliland, balse maalin kadib ay ka baxeen.

Shirweynaha xisbiga Kulmiye oo 3 jeer ooh ore dib u dhacay ayaa manta qabsoomay, iyadoo weliba hoolka biiq hareeyey, arrintaas oo ay sabab u tahay khilaaf ka dhexe jira maamulka xisbiga.

Mareeg Medida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!