Axmed Siilaanyo: Wadahadalka soo socda waa in lagu kala baxo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Siilaanyo: Wadahadalka soo socda waa in lagu kala baxo

Mareeg.com: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tilmaamay qasdiga laga leeyahay wada hadalka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gooni u goosadka ee Somaliland, kaasoo la filayo inuu bartamaha bishan dib uga furmo dalka Turkiga.

Axmed Siilaanyo ayey la tahay in wadahadalka soo socda yahay mid looga gol leeyahay in labada dhinac noqdaan labada wadan xiriir walaalnimo ka dhaxeeyo.

Farriin kooban oo Madaxweynuhu ku daabacay Boggiisa Twitter-kawaxa uu ku sheegay in la falanqayn doono sidii loo kala bixi lahaa “Wada hadalka Somaliland iyo Somalia ayaa dib u bilaamaya, waxaanu qoondaynay inaanu wada hadalno, si dalalkayagu gobolkan ugu yeeshaan Xiriir walaaltinimo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Ma cadda goorta ay dib u furmi doonaan wada hadalka labada dhianac, hase ahaatee wasiirada arrimaha debada iyo madaxtooyada Somaliland Maxamed Biix Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku sugan dalka Turkiga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan iyadu ka hadlin wadahadalka la sheegay in dib looga ambaqaadayo dalka Turkiga.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!