Siilaanyo oo raba in loo wadahadalo qaab beeleed & codsi uu u diray madaxweyane Geelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Siilaanyo oo raba in loo wadahadalo qaab beeleed & codsi uu u diray madaxweyane Geelle

Mareeg.com: Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay in uu madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ka dalbaday in uu dhexdhexaadiyo ismariwaaga wadahadalada burburay ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wargeyska Waaheen ee kasoo baxa Somaliland ayaa sheegay in madaxwayne Siilaanyo codsigiisa u gudbiyay madaxwayne Geele isla markaana uu sheegay in Soomaaliya ka leexatay hanaankii wadahadalka labada dhinac u socday.

Axmed Silaanyo ayaa wararku sheegayaan inuu waydiistay madaxweyne Geellaha Jabuuti in uu dawlda Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qanciyo in raga kasoo jeeda Somaliland ka reebo wadahadalka.

Siilaanyo ayaa sidoo kale raba in beelaha waqooyi oo dhinac ah iyo koonfurta oo dhinac ah loo wadahadlo, arrintaas oo ah mid ay la yaabeen dad badani.

Warkan ayaa kusoo beegmaysa xili R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo hogaaminaya wafdi ay ku jiraan wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya,  Dr. Hadliye oo kasoo jeeda Awdal Iyo wasiirka duulista Iyo Hawada Cali Jaamac Jangali oo kasoo jeeda gobolka Sool ku sugan yihiin dalka Jabuuti.

Bishii Febaraayo waxaa fashilmay wareeg wadahadal oo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ku dhexmari lahaa magaalada Istancul ee dalka Turkiga.

Wada-xaajiidkaas wuxuu fashilmay kadib markii maamulka Somaliland uu diiday inuu horfariisto wafdiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan xubno wasiiro iyo xildhibaano ah oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.