Siilaanyo oo magacaabay gobol Taleex xarrun u tahay

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaashalay degmada Taleex ee gobolka Sool u magacaabaya iney noqoto xarrunta gobol cusub, kaasoo lagu magacaabo Xaysimo.

War-saxafadeedka kasoo baxay xafiiska Siilaanyo ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu tixgaliyey waxa loogu yeeray codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada.

“Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo”ayaa lagu yidhi soo xidhay qoraalkaasi.

Degmada Taleex ayaa ah degmo muran badan ka jiro, xaarun ah u ah maamulka Khatumo, sidoo kalana waxaa degmadaas sheegta maamulka Somaliland.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa labo jeer oo hore galay degmada Taleex, hase ahaatee wey ka baxeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245