Siilaanyo oo cafiyey wariyaal maxkamadi xukuntay

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa cafiyey labo weriye oo dhawaan la xiray, lana mamnuucay wargeyskii ay soo saari jireen ee Haatuf.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in Wariyayaashii wargeyska Madaxa Bannaan ee Haatuf oo  maxkamadi ku xukuntay Xabsi iyo ganaaxyo muddo dheer ah la cafiyey.

Wasiir Maxamed Biixi ayaa maanta warkaas kaga dhawaaqay Qolka VIP-da Madaarka Hargeysa, isagoo sheegay inuu madaxweynuhu wariyayaashaas cafiyey.

Wasiirku ma uu sheegin in Rugsadii wargeyska oo la laalay dib loo celin doono, waxase uu tilmaamay in cafiskaas la siiyey wariyayaasha.

Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaaftirihii Axmed Cali Cige ayaa maxkamadda Hargeysa hore ugu xukuntay Xabsi u dhexeeya Afar sano iyo saddex sano, iyadoo intaas u raacisay Ganaax Lacageed oo gaadhaya ilaa 50-milyan oo shilin Somali ah.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245