Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa maanta isagoo kazoo laabtay Ingiriiska ka degay magaalada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay warar la faafiyey intii uu maqnaa, kuwaasoo sheegayey inuusan isu soo taagi doonaan tartanka madaxtinidmada ee la filayo in la qabto sanadka soo socda ee 2015.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu u taagan yahay Jagada Madaxweyne ee 2015-ka islamarkaana waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu tanaasulay.
“Markaan tagay waxaa la faafiyay inaanan doorashada dambe isku soo taagaynin, wax Allaale wax ka jiraa ma jiro waanan u taagnahay doorashada, labadayda jeer ee sharicigu ii ogolyahay waan dhamaysanayaa, waxayna la mid tahay dacaayadaasi ta dadka caafimaadkayga wax ka sheegaa faafiyaan. Wax Alle iyo waxaan qabaa ma jiro, dalkayga iyo dadkaygana waan u shaqaynayaa” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.
Wararkan ayaa soo baxay intii Madaxweyne Siilaanyo ku maqnaa Ingiriiska oo uu kaga qayb galay Shirkii ganacsiga Somaliland, iyadoo dadweynuhu si weyn u hadal hayay islamarkaana shaki badan laga muujiyay musharaxa dhabta ah ee Kulmiye.
Axmed Siilaanyo ayaa dhanka kale ka hadlay shirkii ganacsiga Somaliland ee lagu qabtay UK, wuxuuna yiri “Shirkaanu ka qayb galay wuxuu ahaa mid loo qabtay sidii Somaliland loo maalgashan lahaa. Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad loo yimid, Shir aad loogu guulaystay buu ahaa oo Dawladda Ingiriiska iyo cidii kale ee timid ba ay aad iyo aad uga soo qayb galeen.markaas Shirkaasi shir aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay kuna soo guulaysanay Illaahayna aynu ka rajaynayno Inaynu faa’iidadiisa iyo midhihiisa wax ka aragno ayuu ahaa”
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.