Siidii: Wanlaweyn iyo Toora-toorow waa la isku furay

Mareeg.com: Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa tuuloouin hoos yimaadda Toora-toorow kala wareegay Alshabaab, iyagoo todobaadkii hore galay deegaankaas.

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka warbixiyey howlgal ka socda gobolka oo ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isugu ballaarinayaan gacan ku heynta gobolka.

Guddoomiyaha gobolkaas, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in tan iyo markii ciidamadu, Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Tooro-toorow Isniintii ay qabsadeen tuulooyin badan oo hoostaga deegaanka.

Wuxuu sheegay in ciidamadu isku fureen waddada u dhexeyso magaalooyinka Wala-weyn iyo Tooro-toorow oo markii hore ay Al-Shabaab kala xayirtay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dadka gobolka ay soo dhaweeyeen ciidanka oo uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalkooda ilaa Al-Shabaab laga saarayo gobolka oo dhan.

Qabsashada Tooro-toorow ayaa lagu tilmaamay in ay istaraatiijiyad muhiim ah u tahay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245