Siidii: Isbaarooyinka Shabeellaha Hoose waa la isugu faanaa!!

Read Time:1 Minute, 1 Second

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ay isugu faanaan isbaarooyinka la dhigto gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu yiri.

Siidii oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay in isbaarooyinku si saf ah u yaallaan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Taako taako ayay isbaarooyinku u yaallaan laga soo bilaabo KM13 ilaa Wanlaweyn, Afgooye  ilaa Marka oo ah caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose” ayuu yiri Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose.

“Saraakiisha militarigu waxay isugu faanaan meeqo isbaaro ayaa gobolka Shabeellaha Hoose kuu taalo, maba oga inay yihiin masuuliyiin u taagan inay dalka iyo dadka badbaadiyaan” ayuu yiri, gudoomiye Siidii.

Gudoomiyahaa ayaa caddeeyey in maamulkiisu uusan waxba ka qaban karin isbaarooyinka u yaalla milateriga Sooomaaliya, wuxuuna yiri “Annaga waxba kama qaban karno isbaarooyinkan, qaylo dhaan ayaan marwalba ka soo yeeraysa dadkii deegaanka, waxaanba ka cabsanaynaa in gobolka Shabeellaha Hoose laga wada guuro”.

Wuxuu Siidii sheegay in cabashadooda ay u gudbin doonaa maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Sharriix Xasan Sheekh Aadam “Dhibka haatn ka jira Shabeellaha Hoose waa isbaaro, waxaana arrintaas u gudbin doonnaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed si ay wax kaga qabtaan” sidaa waxaa yiri Siiddii oo u muuqday inuu ka quustay madaxda dowladda dhexe.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.