Siidii: Alshabaab wey ka samri la’yihiin Qoryooley

Read Time:51 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in Alshabaab ka samri la’yihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay kala wareegeen ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.

Siidii oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Alshabaab weeraro kusoo qaadaan hareeraha degmada Qoryooley, wuxuuna tilmaamay iney ka samri la’yihiin degmadaas oo ku taalla meel Istiraatiiji ah.

“Waxaa muuqata in Alshabaab ka samri la’yihiin degmada Qoryooley maadaama ay tahay Istiraatiiji, waxey meelaha orordayaan iyagoo u socda lix ilaa todobo, qaarkood waxey ku dhacayaan webiga” ayuu yiri Siidii.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha Shabeellaha Hoose in magaaladaas ay deganaayeen saraakiil Alshabaab ah oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib, taasina keentay iney kusoo laalaabtaan magaalada.

Degmada Qoryooley ayaa 15 KM dhinaca galbeed uga leexsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Kismaayo, waxeyna badweynta Hindiya u jirtaa ilaa 30 KM, waana dhul beeralley ah.

Alshabaab ayaa weeraro rogaal celis ah kusoo qaada degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, inkastoo ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM hareeraheed ka sameysteen difaacyo adag.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.