Siidii “Afrta jiho ayaan ka galeynaa Baraawe”

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay waqtiyada soo socda ay gudaha u geli doonaan degmada Baraawe ee ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana saaran xeebta Badweynat Hindiya.

Siidii oo wareysi siiyey warbaahinta gudaha ayaa sheegay iney afarta jiho ka geli doonaan degmada Baraawe, iyadoo halkaas shalay galab Alshabaab kala baxeen ciidamadooda.

“Waxaan ku suganahay meel ku dhow Baraawe, waxaana ka geli doonaa afarta jiho” ayuu yiri Sidii oo intaa ku dary “Waxaa laga yaabaa in dhanka badda ay kazoo degaan ciidamo aan saaxiibo nahay”.

Siidii oo la weydiiyey ciida ay yihin ciidamadaas uu saaxiibada ku sheegay ayaa diiday inuu magacaabo dalka ay kazoo jeedaan, wuxuuna yiri “Ma sheegayo, waqtiga ayaa sheegi doona”.

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose oo ka hadlay ka bixitaanka Alshabaab ee Baraawe ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay waa dagaal ha baxaan ama yeysan bixin”.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa wax ka yar 20km u jira magaalada, taas ayaana keentay in Alshabaab ka baxaan. Baraawe ayaa qiyaastii 200 KM dhanka koofureed kaga began Muqdisho.

Ciidamadii Alshabaab oo wata tikniko ayaa la sheegay iney sugunyihiin deegaano ay ka mid tahay Ambareeso iyagoo halkaas difaacyo ka dhigtay, sida dadka deegaanku sheegayaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245