Sii haye madaxweyne sommali xasan sheekh oo hambalyo u diray golaha shacabka!!! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sii haye madaxweyne sommali xasan sheekh oo hambalyo u diray golaha shacabka!!!

Madaxweyne Xasan Sheikh oo fariintiisii ugu horeysay u diray xildhibaanada cusub ee la dhaariyay
28/12/2016 355 Views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxday marxaladii kala guurka aheyd, isagoo hambalyo u diray Xildhibaanada labada Aqal ee shalay lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Baarlamaanka cusub lala shaqeeyo, isla markaana lagu garab siiyo sidii doorashada inta ka dhiman loo dhameystiri lahaa.

“Soomaaliya waa ka gudubtay marxaladii kala guurka ahaa, waa cusub ayaa u bilowday, waxaa hambalyo leeyahay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaankan cusub uu ka duwan yahay baarlamanadii hore ee dalka soo maray, isagoo xusay inay ku jiraan dhalinyaro iyo Haween badan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Soomaaliya ay ka wanaagsaneyd doorashada ka dhacday dalal qaar ee caalamka, isagoo tilmaamay inay jireen cilado iyo gaabis meelaha qaar, balse doorashada ay aheyd mid u dhacday qaab wanaagsan.

Baarlamaanka cusub ee 10aad ayaa looga fadhiyaa inuu ku dhawaaqo xilliga kama dambeysta ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka labada aqal, iyadoo afar goor oo hore uu dib u dhac ku yimaaday jadwalka doorashada ee ay dejiyeen Madasha iyo Guddiga doorashada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.