Sii Hayaha Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah oo Warbixin Ka Bixiyay Waxqabadka Qunsuliyadda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sii Hayaha Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah oo Warbixin Ka Bixiyay Waxqabadka Qunsuliyadda

Mareeg.com-Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jeddah Mudane Daahir Axmed Wehliye ayaa Beeniyay Warar uu ku sheegay Kutiri kuteen ama Been Abuur ka Dhan Ah howlwadeenada Qunsuliyadda iyo wax qabadkooda, taasi oo ay baahisay qaar kamida Idaacadaha la iska arko.

Sii hayaha Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jeddah Mudane Daahir Axmed Wehliye ayaa sheegay in wararka beenta ah ee aan Sal iyo Raad toona laheyn ee ay baahiyeen Idaacadaha looga dan leeyahay in lagu horjoogsado ama lagu niyad jebiyo shacabka Soomaaliyeed ee u hanqaltaagaya waxqabadka Dowladda ay u xilsaartay Qunsuliyadda, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed uga digay inay Dheg jalaq u siiyaan wararka aan salka lahayn, sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka feejignaadaan dadka warxuma tashiilka ah ee ku howlan dhaleeceynta dadka u istaagay khidmada Shacabka Soomaaliyeed.
Wehliye oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jeddah, ayaa tilmaamay in wararka shaki gelinaya Daacadnimada Shaqaalaha Qunsuliyadda uu yahay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna ku xusay faahfaahin dheerna ka bixiyay howshii ay qabteen tan iyo intii uu xilka u qabtay Qunsuliyadda.

“Waxaanu fududeynay dib u celinta shacabka Soomaaliyeed ee aan Aqoonsiga haysan, sidoo kale waxaan kordhinay duulimaadyada diyaaradaha oo laba jeer maalintii sameeya, iyadoo aan howshooda fududeynay in ka badan 75 kun oo ruux, haatana ay weli socdaan howlaha dib u celinta dadka aan sharciga ku lahayn Sacuudiga” ayuu yiri Sii hayaha Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jeddah Mudane Daahir Axmed Weheliye.

Daahir ayaa hoosta ka xariiqay in howlaha Qunsuliyadda ay tahay mid cad oo aan Mugdi ku jirin, islamarkaana ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inaysan dhag jalaq u siinin Shaqsiyaadka wararka been abuurka faafinaya, wuxuuna Carabaabay in qunsuliyadda ay u furan tahay warbaahinta si ay xaqiiqda jirta ugu gudbiyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayey arimaha Baasaboorada oo ay Qunsuliyadda bixinin in mudo ah, taasi oo ay dadweyne fara badan dhibaato kasoo gaareen, gaar ahaan dadka Iqaamadaha ku leh Sacuudiga oo caruurtooda laga eryay Iskuulada Baasaboorka oo laga waayey Qunsuliyadda darteeda, ayaa sheegay in arimaha Baasaboorka ay tahay mid dhinaca Dowladda ka socota, runtiina ah dhibaato weyn oo soo waajahday Qunsuliyadda ayna xalinteeda ku jiraan iyagoo kala hadlay Dowladda, ayna rajeynayaan in dhowaan laxaliyo.

Cabdulcasiis Kulmiye oo kamida Wariyeyaasha ka howlgala talefishanka SomaliChannel ayaa su’aalihii uu weydiiyay Sii hayaha Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jeddah ka mid ahaa heerka ay marayaan nin Soomaaliya ah oo la sheegay in lagu dilay xaafadaha magaalada Jeddah, kaasi oo sida ay wararku sheegayaan ka fakaday Askartii qabatay, deetana ay dileen; waxaana uu ku jawaabay Mudane Daahir, inay arinkaasi ku daba joogaan oo ay meel wacan u marayso, saraakiisha Sacuudigana ay si wacan ula shaqeynayaan sidii loo meel saari lahaa dhibaatada soo gaartay Muwaadin Cabdusalaam Cabdullaahi Aw-Macallim.

Ugu Dambeyntii Mudane Daahir ayaa ugu baaqay Warbaahinta inay ilaaliyaan wararka ay baahinayaan, maadaama ay yihiin isha keliya ee bulshada ka neefsato, wuxuuna ka digay in warbaahinta qaar ay caadeysatay been ka sheegida Dowladda iyo Waxqabadkeeda, wuxuuna tusaale u soo qaatay warbaahintii faafisay geerida Madaxweynaha, taasi oo uu ku sheegay inay aheyd mid ula kac ah oo lagu niyad jebinayay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in warbaahinta noocaas oo kale ah aysan kheyr usoo wadin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!