Sierra Leone: Ciidamada Aan U Dirnay Soomaaliya Labo Bilood Mushaar Ma Helin * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sierra Leone: Ciidamada Aan U Dirnay Soomaaliya Labo Bilood Mushaar Ma Helin

Muqdisho, Mareeg.com: Ciidamada Sierra Leone ee ku sugan gobolka Jubada Hoose, islamarkaana ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday muddo labo bilood ah.

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Sierra Leone ayaa qoraal ay soo saartay sheegtay in laba bilood ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM aysan helin wax mushaar ah.

Sierra Leone ayaa sheegtay in 7 bilood ka hor ay dhameystirtay ciidamada ay u dirtay Soomaaliya, islamarkaanka ay mushaar heleen 5 bilood, labo biloodna aysan helin wax mushaar ah.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in askari walba oo ka mid ah ciidamada Sierra Leone ay dowladdu siinaysay 100 doollar oo keliya, inta ay ka helayaan mushaarkood.

Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone oo aad uga fod dalka Soomaaliya ayaa ku sugan daafaha magaalada Kismaayo, iyagoo qeyb ka ah dagaalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah Alshabaab.

Wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa marka musharaaka ciidamadoodu soo daaho loog bartay iney warbaahinta ka hadlaan si loo soo gaarsiiyo waxyaabaha ay doonayaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.