Libooyo, Mareeg.com: Ilaa 8 Kenyaan oo 5 ka mid ah boolis ahaayeen ayaa koox hubeysan ku dileen deegaan ku dhow xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya xilli boolisku ku jireen roondo.
Weerarkaan oo gaadmo ahaa kana dhacay meel ku dhow deegaanka Libooyo ee woqooyi bari Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dilay askarta iyo dadka kale, kuwaasoo weeraro nuucaas horay uga geystay deegaankaas iyo deegaano kale oo la xiriira.
Afhayeenka Ciidamada Alshabaab Sheekh C/caziiz “Abu Muscab” oo warbaahinta Alshabaab la hadlay ayaa sheegay iney weerar gaadmo ah ku dileen ciidamo Kenyan oo marayey inta u dhaxeysa Libooyo iyo Gaarisa.
Abuu Muscab ayaa sheegay iney dileen 8 askar Kenyan ah oo mid yahay sarkaal, wuxuu sidoo kale sheegay iney gubeen gaadiid.
Wuxuu sheegay Abuu Muscab iney Alshabaab u fududahay iney gaaraan deegaanada fog ee gudaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka sameeyaan wixii ay doonaan.
Mareeg.com