Shuruudaha Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Puntland Oo Lasoo Bandhigay

Read Time:1 Minute, 9 Second

Garowe, Mareeg.com: Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ayaa maanta soo saaray shuruudo uu sheegay in looga baahan yahay inay buuxiyaan musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxtinimada Puntland, Saadiq Abshir Garaad ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe kaga dhawaaqay shuruudaha la rabo inay buuxiyaan musharraxiinta madaxtinimada Puntland.

Shuruudaha laga doonayo musharraxa madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah inuu bixiyo lacag is-diiwaan-gelin ah oo dhan $10,000 dollar, inuu yahay Muslim, inuu yahay qof ka soo jeeda deegaannada Puntland, inuu ka wayn yahay 40 jir, inuu leeyahay waayo-aragnimo dhinaca hoggaanka ah iyo inuusan lahayn diiwaan dambi.

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in Baarlamaanku ansixiyey habraaca doorashada ee ay maanta soo bandhigeen.

Guddigu waxa uu maanta oo axad ah laga bilabo qabanayaa codsadiga Musharaxnimo ee madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, ilamaa iyo maalinta Isniinta ah 16:00 xiliga Soomaaliya.

Khudbadaha ay musharixiintu ku soo bandhigayaan waxqabadokooda haddii la doorto ayaa bilaamaya maalinta Talaadada ah 07 Jan 2013, oo malin ka horeysa maalinta doorashada waxaana guddigu sheegey in haddii loo bahdo la shaqeyn doono xilli dheeraad ah. Maalinta doorashada dhacayso ayaa ah Arbacada 8 Jan 2014 waxaana ay bilaaban 08:00 Subaxnimo.

In ka badan 15 musharrax ayaa isu soo taagay inay qabtaan xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Garoowe January 8.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.