Shixnad Milateri Oo U Socotay Ciidamada Jabuuti Oo La Gaarsiiyey Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shixnad Milateri Oo U Socotay Ciidamada Jabuuti Oo La Gaarsiiyey Baledweyne

Baledweyne, Mareeg.com: Siddeed gaari oo sidday 15 Kunteenar oo shixnad militari ah oo ay leeyihiin ciidanka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta gaartay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Kornayl Cismaan Dubbad ayaa sheegay in shixnadda oo ka timid magaalada Muqdisho ay in muddo ah ku xayirneyd deegaanno ka tirsan gobollada dhexe.

Cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka Midowgga Africa AMISOM ayaa shalay ilaa maanta ku sugnaa wadada u dhaxeysa Beledweyne iyo Matabaan, si ay usoo gudbiyaan gaadiidka hubka siday.

Mudadii ay jidka ku soo jireen gadiidka xamuulka ah ayaa la sheegay inay caqabado kala kulmeen kooxo hubeysan oo ay saraakiisha ciidamada maamulka ku tilmaameen in ay ka tirsanaayeen xarrakada Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka tagay Beledweyne ayaa shalay shixnadda ka soo waday magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!