Muqdisho, November 10, 2013: Shirweynihii caafimaadka dalka oo mudada sedaxda maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka dalka ayaa shalay lasoo gebagbeyeeyey.
Shirkaas waxaa laga soo saaray 5 qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya, kaddib aragtiyo iyo doodo kala duwan oo ay isku geeyeen xirfadlayaasha, quburada caafimaadka iyo wasaarada horumarinta adeega bulshada.
Gunaanadka shirka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed iyo mas’uuliyiin kale.
D.r khaliif Bille Maxamuud oo kamid ah quburada caafimaadka ee ka qeyb gashay shirweynaha caafimaadka ayaa ugu horeyn aqriyay shanta qodob ee ku aadan horumarinta caafimaadka dalka, kuwaa oo kasoo baxay doodihii iyo aragtiyadii ay is-dhaafsadeen ergadii shirka ka qeyb gashay.
Qodobada ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah:-
1: In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa
2: In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad
3: In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka
4: In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka
5: In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican, taasi oo horseed u noqoneeysa ka faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka.
Maryam Qaasim Axmed wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumadda soomaaliya oo ka hadashay xiritaanka shirweynaha ayaa ku cel celisay in dowladda ay muhiimada weyn siineyso caafimaadka, iyadoo horumar ku tilmaantay qodobada shirkan ka soo baxay.
Maryan Qaasim Axmed ayaa madaxweynaha ka codsatay in muhiimad gaar ah la siiyo caafimaadka dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay khudbad uu dhowr arrimood kaga hadlayo isagoo balan qaaday in ay muhiimad weyn dowladiisu siin doonto sidii adeeg caafimad oo tayo leh ay dadka soomaaliyeed u heli lahaayeen iyo dhaqan galinta shanta qodob ee saldhiga ah horumarinta caafimaadka dalka oo laga soo saaray shirweynaha caafimaadka.
“Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada,canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo hadii alle idmo,iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Shirka looga hadlay caafimaadka ayaa ahaa shirkii afaraad ee heer qaran ah oo ay qabato dowladda Soomaaliya sanadka ay jirto, waxaana ka horeeyey shirarkii garsoorka, siyaasadda iyo waxbarashada.
Mareeg.com