Shirweyne qaran oo looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Muqdiosho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirweyne qaran oo looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Muqdiosho

Muqdisho – Mareeg.com: Shirweyne qaran oo looga hadlayo amaanka dalka Soomaaliya ayaa maanta ka fumay Muqdisho.

Shirweynahan ayaa socon doona muddo 4 cisho ah (20-230) bishaan April, waxaana ka qeybgalaya ergooyin ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa oo gaaraya ilaa 500 qof ayaa isugu jira saraakiil ciidan oo dhan walba leh iyo xubno waayo-arag ah ayaa maalmaha shirku socdo ka doodi doona heerka amni ee uu maanta dalku marayo, iyo qaabka wax looga bedeli karo.

Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, ergo tiradoodu gaarayso ilaa iyo 500 oo qof oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda, kuwaasi oo ay ku jiraan qeybaha bulshada, iyo quburo Soomaaliyeed oo xagga amniga qaabilsan.

Ka qeybgalayaasha ayaa laga sugayaa iney talooyin wax ku ool ah amaanka, salkana u dhiga amniga iyo xasilinta wadanka kusoo bandhigaan shirweynaha.

Waa shirweynihii ugu horreeyey ee looga hadlayo amaanka oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo horay dowladda caasimadda ugu qabatay shirar looga hadlay Siyaasadda, garsoorka, waxbarashada iyop arrimo kale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.