Shirweynaha Nabadeynta Jubooyinka Iyo Gedo Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 3 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Shirweynaha dib u heshiisiinta deegaanada Jubooyinka iyo Gedo ayaa maaanta si rasmi ah uga furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka oo ay qabanqaabisay dowladda ayaa waxaa si rasmi ah u furay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo sheegay inay ku rajo weyn yihiin in natiijo fiican ay ka soo baxdo shirka.

Safiirka dowladda u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay furitaanka shirka, waxayna dhiiri-geliyeen hirgelinta heshiiskii Addis Ababa ku dhex maray dowladda federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Ergooyin ka socda Jubooyinka, odayaasha dhaqanka, dhinacyada isku hayay maamulka Jubooyinka, ma’suuliyiin ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka mid ah xubnaha shirka ka qeyb galaya.

Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed oo shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid muhiim ugu ah nabadeynta deegaanada jubooyinka, isla markaana xal laga gaaro dhibaatadii ka dhacday deegaanadaas.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay qabsoomida shirka madaxda ugu sareysa dowladda, waxaana uu ku tilmaamay heshiiskii Addis Ababa inuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay dowladda Itoobiya oo dadaal ku bixisay miro dhalka heshiiskaas.

Wixii soo kordha kala soco Mareeg.com Inshaa Allaah

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %